SOMALIYA SIDEE AHEED 1943-1954 ? IYO URURKA S.Y.L

 


·         SOMALIYA SIDEY AHEYD 1943-1954 !

 Dadka soomalida ah waxey u badankood ahaayen  dad xoolo dhaqato ah iyo beeraleey waqtigaas oo dunidu inta badan gumeysi ka jiray ayna yaraayeen wax xor ah somaliduna umadahaas ayeey wax la mid ahaayen waxeyna u kala qeybsaneed 5qeybood, bariga iyo kooonfurta iyo bartamaha talyani ayaa heystey, waqooyiga ingiriis ayaa heystey, jabuuti faransiis ayaa heystey koonfur galbeed Kenya ayaa heysatay, soomali galbeed itoobiya ayaa heysatey

 hadana waxey ahaayeen dad iska war haya inkastoo isgaarsiinta maanta jirta aysan jirin hadana niyad wanaag iyo wadaninimo ayaa jirtey iyo is jaceeyl waxeeyna lahaayeen hal hadaf oo ah siddee ayaad oga baxdaan gumeeysigaan iyadoo taariikhdan aan soo qaatey ay ka horeeyeen halgano hadana mudada aan soo qaatey 1943 waxaad moodaa in uu sii xoogsadey isku xirka gobolada soomaliya oo dhan iyo nidaam xisbi ah in uu biloowdey,

Is Ku Xirnashaha Umada Somaliyed

is ku xirnashahas waxaa suura geliyey somalida oo aheyd dad wada muslim ah iyo iyda oo ay soo baxeen culimo badan oo meel walba gaarsiiyey diinta islaamka dadkuna iyagaa hiil iyo hoo ku kalmeyn jiray culimada si ey awlaadoda u baraan diinta islaamka, deegaan ama tuulo waliba dadka degan iyaga is ku xilqami jirey sameysan jirey misaajid ama mowlac ay ku tukadaan iyo dugsi quraan oo awlaadoda lagu baro quraanka mana aheyn mid la isku riixriixo laakiin qof waliba awoodiisa ayuu bixin jirey

 taasi waxey keentey in culimaa u diinku meeshey tagaan laga soo dhoweeyo xoolo la siiyo taasina waxay ku helen jaceeylka loo qabo diinta islaamka taasina waxey ka sii qeyb qaadatay isku xirka soomaalida meel kasta ooy joogaan, markii ay taariikhdu aheyd 1943 waxaa Biloowdey dhaq dhaqaaq  xoriyad doon ah oo ku saleysan nidaam xisbi ah, waxaana is urursadey dhalinyaro yaryar oo si qarsoodi ah ku bilaabey xisbi ay ugu magacdaren S.Y.L. ama (LEGO)

Tariikhda soomliya marwalba oo la xuso dhalinyaradii [SYL] waxay ka yahiin hormuud waayo waxa ay ahaayeen furahii xornimada ummmada somaaliyeed, dhalinyaradi xisbiga syl ee ummada somaaliyeed u halagmay waxay ka koobanaayeen oo madax u ahaa xisbiga 13 xubin,

                


1. Yaasiin Xaaji Cusmaan

 2. Daahir Xaaji Cusmaan

3. Cali Xasan Maxamuud

 4. Siidii Xirsi Nuur

5. Maxamed Cali Nuur

 6. Maxamed Faarax Hilowle

7. Cusmaan Geedi Raage

 8. Dheere Xaaji Dheere

9. Maxamed Cusmaan Baarba

10. Huudow Macallin Cabdulle

11. Xaaji Maxamed Xuseen

12. Cabdulqaadir Saqaawediin

13. Xaajji Maxamed Cabdullaahi (Xayeesi)

Sidaan horey usoo sheegay S.Y.L oo keli ah ma aheyn dadkii uso halgamay xoriyada ummada somaaliyeed oo halagano ka horreeyay ayaa jiray sida, halagankii siyad muxammed cabdulle xasan & halagankii axmed gurey, waxaa sido kale iyana xusid mudan xiligii S.Y.L dadki iyaguna halganka ku jiray sida xisbigii dhalinyarada somaaliyeed ee laga aasasay waqooyiga [SNL] kaas oo isna la mabd'a ahaa S.Y.L, Waxa iyagana xusid mudan gabdhihii soomaliyeed ee halaganka ka qeyb galay oo dhinac u kula jirey dhalinyaradii halganka .

Doorga Gabdhaha Somaaliyed !

 gabdhaha soomliyeed sida ay tariikhdu xustay waxay ahayeen udub dhaxaadka hawalaha dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka dhaqajin (kicin) jirey mar marka qaarne meelaha halista ah raga qaarkiis oga horeyn jirey, waxay ahayeen gabdhaha soomliyeed ee xiligaas halganka ka qeybgalay kuwa geesinimo iyo deeqsinimo intaba u hura ummadooda, waqtiyada qaarkood oo dhalinyaradu u baahato kaalmeyn waxa ay iibin gadi jireen dahabkooda si ay u garab istagen  halganka hiil iyo hooba , sido kale sida raga ayey iyagoo halgamaya dhiman jireen oo xaawo taako ayaa ka marag ah allaha u naxariistee, Dhalinyaradii horseeday xoryiada ay ummada somaaliyeed qadatay 1960 si ay tusalee wanaagsan oga qaateen dhalinyarada maanta & kuwa birito waxa is weydiin mudan, maxay ku muteen guulahaa ay u so hoyeen ummadooda?

 Guulo Badan Ayey [SYL] gaartay

Guulo badan ayey SYL gaartay waqtigii ay halganka ku jireen balse waxaa ugu cad cad oo maanta dhalinyarada joogta ay kaga dayen karaan oo tusaale ugu dhigan karaan waa sidii fududeyd ee ay hadaf kooda  ku salaysanaa wadinyada iyo midnimada ugu dhex faaafiyeen ummada somaaliyeed kadibna ay taanasul u sameyen walalahooda kale, Ogow dhalinyaradaas dalkooda & dadkooda u halgmay si ay oga xoreyen Gumaysiga inta badan aqoon sare ma laheyn kuwa kamid ahna waxba ma qori jiren waxna am akhrin jirin!

Maanta dhalinyaro badan oo soomaliyeed oo aqoon heer sare leh ayaa jira xaaladuna waa ay ka daran tahay tii hore, Xisbigaan markii ugu horeysey wuxuu ka biloowdey magaalada muqdisho waxeyna ku kulmi jireen guri yar, asaasayaashii waxey ahaayeen toban iyo sadax  (13) dhalinyaro ah, waqti yar kadibna (LEGO) waxey gaartey soomaliya oo dhan iyo gudaha itoobiya dhulka soomalidu leedahey dadku waxey bilaabeen dhaqdhaqaaq gobanimo doonka dadkana niyadoodu aad bey u kacdey waxeyna diyaar u ahaayeen dhimasho,

 5-OCT-1949-kii MAXA DHACAY

waxaa dhacdey ha noolato ama dhagax tuurkii oo dad badan oo soomaliyeed ay ka qeyb qaateen waxaana kale oo dadka niyada u sii dhisey markii laga soo laabtey dagaalkii 2aad ee dunida oo dhamaadey 1945, markaas oo dad askar u ahaa gumeystaha ay dalka ku soo noqdeen iyagoo wata khibrad iyo waayo aragnimo markaas ayaa kuwii wadaninimo ku jirtey dadkooda la shaqeyeen una faaideyeen. Xisbigii LEGO wuu sii awoodeystay  waxaana laga furey soomaliya oo dhan dad tiro badan ayaa ku ka midnoqday dadna waxa ay la shaqeen jireen cadawga waana leyska ilaalin jirey, weligood wee jireen kuwa cadawga lashaqesta ilaa hadana wee jiraan  laakiin meel ma gaarayaan wadaniga ayaa guuleysanaya ugu dambeysta.

Waxey socotoba waxaa soo dhowaatey xukun hoosaad loo ogolaado soomalida markaas oo la arkey in dadkaas wax fahmeen laguna sii wadi karin gumeysi laakiin la gaarsiiyo xoriyo waxna la baro, waxaa jirey booliis la asaasey 1950 kaas oo u shaqeynayey gumeysiga laakiin markii la heley xukun hoosaad wuxuu noqdey booliis somaliyeed, waxaana 14kii oct 1954tii la saarey calan Somali ah.

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post